Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato sugidda amniga Marinka Baab al-Mandab, iyada oo arrintaas kala shaqaynaysa saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamka. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee saameeyey isu-socodka maraakiibta Badda Cas. Haariye waxa uu sheegay in Somaliland ay sii xoojinayso awooddeeda dhinaca badda iyo wada-shaqaynta ay la leedahay dhinacyada ku hawlan amniga gobolka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta…
Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday is-afgaradka Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo la sheegay in uu dhigayo joojinta colaadda iyo bilowga hannaan lagu gaadhayo heshiis kama-dambays ah. Bloomberg ayaa sheegtay in ay heshay qodobbo ka mid ah heshiiska dhex maray labada dhinac, sida ay soo gudbisayna waxa ay u dhigan yihiin sidan: • Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ku dhawaaqayaan in ay si degdeg ah oo rasmi ah u soo afjareen dagaalkii ka socday furimaha oo dhan. • Iiraan, Maraykanka iyo xulafadoodu waxa ay ballanqaadayaan in aanay qaadi doonin wax tallaabo colaadeed ah, kana…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulamo heer sare ah la yeeshay madaxda dalkaas oo uu ka mid yahay Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulankan ayaa lagu xaqiijiyay mar kale, xidhiidhka labada dal iyo in ay hore ugu sii soconayaan wada shaqeyntii u bilaabantay wixii ka dambeeyey 26kii Diseembar, 2025 oo ay dawladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland. Labada hoggaamiye ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo istaraatiiji ah oo ku…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho taariikhi ah ku tagaya Israa'iil, waana booqashadii u horreysay ee heer Madaxeed oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, tan iyo markii ay is aqoonsadeen, dhammaadkii sannadkii hore. Marka laga tago in booqashadani ay leedahay mudnaan marxaladeed, haddana muhiimadda ugu weyn ee booqashada ayaa la filayaa in ay dhacdo fiidnimada Isniinta, sida ay tabisay The Jerusalem Post, marka si rasmi ah loo furo safaaradda Somaliland, taas oo calaamad u ah samaynta xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo u dhexeeya labada…
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu ka gudbay arrimo diblomaasiyadeed, isla markaana uu yeeshay waji amni iyo mid milatari oo xasaasi ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay noqdeen aag ay si xooggan ugu loollamayaan Israa’iil, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sida lagu sheegay warbixin baadhitaan ah oo ay dhawaan daabacday shabakadda Maraykanka ee CNN, Somaliland ayaa lagu xusay inay qayb ka ahayd shabakad ballaadhan oo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil u adeegsatay…
Diimaha Hinduusiyadda, Saraadashtiyada, Yahuudiyadda, Buudiyadda, Taawiyada, Kirishtaanka, Islaamka, Duruusta, Bahaa’iyada iyo kuwo kaleba heerar kala geddisan waxay ka siman yihiin saadaalinta in aakhiru-sebenka uu kheyrku ka guulaysanayo sharka, adduunyaduna ay dhammaanayso. Xilliyada adag ee colaadaha, caddaaladdarrada bulsho, cudurrada, abaaraha, iyo saboolnimadu ay dunida ku baahaan, dadku had iyo jeer waxay jeclaystaan in la helo wadiiqo looga baxo dhibaatada. Diimaha oo idilna dadka waxay u ballanqaadaan in marka xaalku uu sidaas u xumaado, uu Eebbe soo dirayo ruux dunida badbaadin…
17-kii Julaay ee 2026, baarlamaanka Israa’iil (Knesset) waxa uu u codeeyey in la golaha la kala diro, arrinkan oo gogoldhig u ah doorashooyinka guud ee la qorsheeyey inay ku qabsoomaan xilligoodii dastuuriga ahaa. Tallaabadan waxa loo arkaa horumar weyn, sababtoo ah, tan iyo 1988-kii, waa markii koowaad ee Knesset-ku dhammaysto muddo-xileeddiisa, sidoo kalena xukuumadda Netanyaahu waa xukuumaddii koowaad ee tan iyo wakhtigaas dhamaysata muddo-xileeddeeda. Ka sokow dhibaatooyinka xukuumadda isbahaysiga ah soo waajahay, sida in mucaaradku ku eedeeyeen guuldarrooyinka la xidhiidha dhacdooyinkii…
Muddadii u dhaxaysay 2020 iyo 2022, TPLF waxa ay dagaal qadhaadh kula jirtay Xukuumadda Federaalka Itoobiya iyo xulafadeeda oo ahaa Eretariya iyo jabhado Amxaarada ah oo loo yaqaan Faano. Muddo afar sanno ka yar ka dib, Xukuumadda Federaalka Itoobiya waxa ay saaxiibbadeedii xulafada la ahaa ay ku eedaynaysaa inay TPLF taageeraan, dhaliishan oo dib u qaabaynaysa khariidaddii iskaashiga iyo is xulufaysiga ee waqooyiga Itoobiya. Haddaba, waxa is weydiin mudan, waa ayo dhinacyada hadda kasoo horjeeda Xukuumadda Federaalka Itoobiya, dagaalkan cusboonaaday? Bishii Maaris 2025, dagaalyahanno ka mid…
Boqortooyada Sacuudigu waxa ay shaacisay hindise lagu abuurayo isbahaysi difaaca badda ah oo dalal badan ka kooban, ujeedkiisuna yahay in lagu xoojiyo nabadgalyada Badda Cas iyo ilaalinta iskusocodka badda. Waa tallaabo kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha lagu hayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga iyo jidadka la isugu gudbiyo tamarta caalamiga ah ee mara mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida. Sida ku cad shaacintan ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Sacuudigu, oo ay Wakaaladda Reuters soo tebisay faahfaahintiisa, waa hindise ujeedkiisu yahay xoojinta amniga Badda Cas,…
Afrika waxa ay waajahaysaa gaabis xooggan oo ku jira korontadeeda, oo saamaynaya horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho, xayiraadna ku ah awoodda ay ku gaadhi karto dunida kale. Waxa lagama maarmaan ah in qaaraddu ay kordhiso waxsoosaarkeeda koronto, si ay u gaadhsiiso 600 milyan oo qof oo aan koronto haysan, sidoo kalen ay u wanaajiso tayada adeegga la siinayo malaayiin qof oo la dhibaataysan korontada go’da. Horumarka dhaqaale ee qarniga 21aad waxa uu si xooggan ugu tiirsanyahay dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo garaad-gacmeedka, labadooduna waxa ay u baahanyihiin xaddi badan oo koronto. Tobankii…
26-kii Diisambar ee 2025, Israa’iil waxa ay noqotay dalkii koowaad ee xubin ka ah Qaramda Midoobay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbannaan, tallaabadan oo keentay soo dhawayn ballaadhan. Warbaahinta caalamiga ahi waxa ay baahisay sawirrada bulsho reer Somaliland ah oo ku dabbaaldagaya calamada Israa’iil iyo Somaliland oo ay wada sitaan, arrinkan oo indhaha dunida kusoo jeediyay Somaliland. Sida Bulshada Somaliland aaminsantahay, aqoonsiga Israa’iil waxa uu ahaa rejo habsaantay oo muddo dheer la sugayey, dareenka dadka wada gaadhayna waxa uu ahaa in go’doonkii siyaasadeed ee 34-ka sanno…
Bulshooyinku waxay dawladnimo u samaystaan ujeeddo aasaasi ah: inay helaan nolol ka wanaagsan tii ay la'aanteed ku noolaan lahaayeen. Haddii dawladdu awoodi waydo inay dadkeeda siiso amni, caddaalad, adeegyo tayo leh iyo fursado dhaqaale, waxa meesha ka baxaya ujeeddadii loo aasaasay dawladnimada. Dawladdu ma aha magac, calan ama kursi siyaasadeed; waa heshiis iyo ballanqaad ay bulshada la gasho cidda ay xilka u dhiibanayso, iyada oo awoodda maamulka lagu aamminayo masuuliyiinta loo doortay si ay uga shaqeeyaan danta guud ee bulshada, ee aan loogu adeegayn dano gaar ah. Halkaas ayay ka…
Dimuqraadiyadda casriga ahi waxa ay ku dhisan tahay hal mabda' oo aasaasi ah, kaas oo ah: in muwaadiniintu awood u yeeshaan in ay si xor ah wax ugu kala doortaan aragtiyo kala duwan oo taabanaya noloshooda, kuna salaysan sida loo maamulayo dalkooda. Doorashadu sidaas darteed ma aha uun keliyaata hab lagu kala saaro musharraxiin, hoggaamiyeyaal iyo xisbiyo siyaasadeed; waa hannaan lagu kala doorto aydhiyoolajiyado, mabaadi' iyo siyaasado lagu gaadhaayo rumeynta himilooyinka bulsho ama qaran leeyahay. Haddii aanay jirin kala duwanaansho aragtiyeed, doorashadu waxa ay luminaysaa qayb ka mid ah…
Marna hore looma arag qulqulka muhaajiriin sharci-darro Morookaan ah iyo dalal kaleba oo gaadhay heerka tiro ee dhacay intii u dhexaysay habeenkii 29-ka ilaa 31-ka Julay, waxa ay ku sii jeedeen Sebta, oo ah magaalo ay Isbayn haysto. Tirada dadka galay Sebta waxay kor u dhaaftay konton kun, halka tirada ku dhimatayna kor u dhaafeen boqol qof ilaa xilliga maqaalkan, kuwaas oo si rasmi ah loo shaaciyey. Waxaa intaas dheer dadka weli la la’yahay, saamaynta caalamiga ah ee dhacdadani ku yeelatay Isbaanishka iyo Yurub, iyo walaaca laga qabo cawaaqibteeda. Arrintu waxay gaadhay xitaa Xoghayaha Guud…
Hay'adaha maaliyadeed waxay door weyn ka ciyaaraan horumarka dhaqaale ee dal kasta. Waxay ka kooban yihiin bangiyada ganacsiga, bangiyada horumarinta, hay'adaha maaliyaddeed ee maalgeliya ganacsiga yar-yar (microfinance), ururrada iskaashatooyinka amaahda (credit unions), shirkadaha caymiska (Insurance Companies), iyo hay'ado kale oo bixiya adeegyada lacag-bixinta, kaydinta, amaahda, iyo maaraynta khatarta. Dalalka soo koraya, helitaanka raasumaalku wuu xaddidan yahay isla markaana suuqyada ayaan si buuxda ugu adeegin bulshada saboolka ah, hay'adaha maaliyadeed waxay noqdaan kuwo aad…
Marka la isla soo hadal qaado ama la maqlo buugga “Islam Between East and West/الإسلام بين الشرق والغرب”, (= Islaamka u Dhaxeeya Bari iyo Galbeed) waxa ugu horreeya ee qofka soo jiidanaya ma aha oo keliya qoto-dheeridiisa, balse waa habka gaarka ah ee uu qoraagu u dhisay su’aalaha uu doonayo in uu ka jawaabo. Cali Cisat Begafij, buuggiisa kuma sharxayo caqiidada Islaamka ama ma soo bandhigayo daliillo Qur’aan iyo Xadiis ku salaysan, sida ay inta badan sameeyaan culimada Islaamku. Halkii uu ku bilaabi lahaana; waxa uu ka bilaabayaa su’aalo ka weyn diimaha oo dhan: Waa maxay aadamuhu? Maxaa ka…
Hambalyo dhammaanteen. Saddex xidhiidh oo aan guulaysan kaddib, tobannaan muuqaal oo “Reels” ah iyo qiimayn shakhsiyadeed bilaash ah oo internetka ah, ugu dambayn waxaan gaadhnay ogaalkii kama dambaysta ahaa: gacalkii hore: “narsisist.” Saaxiibaddaa: “sun.” Maamulaha: “wuxuu kugu sameeyaa khiyaano iyo marin-habaabin nafsadeed.” Se adiguna: “qof kas-ogaal leh baad tahay.” Qofka naftiisa horumariya, garanaya halka uu dhaawaciisu ka soo jeedo, se dadka khaldan soo jiita sababtoo ah “wax badan ayuu bixiyaa.” Qayb ka mid ah hadal-tirada maalinlaha ah Runtii waa wax lala yaabo sida qof kasta oo ku…
Inkasta oo bandhiggiisii ugu horreeyay ee filinka taariikhiga ah ee miisaaniyadda weyn “The Odyssey” oo uu soo saaray agaasimaha Maraykanka ah ee Christopher Nolan, uu ku guulaystay in uu adduunka oo dhan ka sameeyo rikoodho cusub oo xagga dakhliga ah (box office) haddana isla jeerkaas wuxuu baraha bulshada, saxaafadda iyo sidoo kale caamada Giriigga ka dhex abuuray falcelinno kala duwan. Iyadoo isticmaalayaasha baraha bulshadu inta badan ku mashquulsan yihiin qiimaynta go’aanka agaasimuhu ku doortay atariisho maqaar madow si ay u matasho doorka Helen of Troy, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiin…
Waxaa jira filinno kansarka u soo bandhiga halgan ku dhammaada guul ama guuldarro. Waxaana jira kuwo kale oo cudurka ka dhigta marriin lagu ciil kaambiyo laguna kiciyo caadifadda dadka. Hase yeeshee, filinka "Ordinary Love" (Jacayl Caadi Ah) oo la soo saaray sannadkii 2019-kii, ayna wada agaasimeen Lisa Barros D'Sa iyo Glenn Leyburn, halka sheekadiisana uu qoray qoraaga riwaayadaha ee Irish-ka ah Owen McCafferty, ayna jilayaasha ugu waaweyni yihiin Liam Neeson iyo Lesley Manville, wuxuu qaaday waddo ka gadisan. McCafferty wuxuu sheekada ka soo dheegtay waayo-aragnimadiisii gaarka ahayd intii…
Ma suuragal baa in maanso kooban ay xambaarsanaato falsafad ka qoto dheer mid ku jirta buug falsafadeed? Sidee ayay sheeko ama maanso, iyaga oo aan si toos ah u qeexin falsafadda, haddana maskaxda ugu abuuri karaan su'aalo ku saabsan runta, jiritaanka, caddaaladda, xorriyadda iyo macnaha nolosha, si la mid ah falsafadda? Maxaa isu soo dhaweeya suugaanyahanka sawira wadciga ay ku nool yihiin goortaas aadamuhu iyo faylasuufka u guntada baadigoobka xaqiiqada? Maxaa ka dhexeeya faylasuuf iyo suugaanyahan? Halkee iska shabahaan, halkeese ku kala geddisan yihiin? Faylasuufku ma noqon karaa abwaan,…
Tan iyo burburkii Boqortooyadii Cusmaaniyadda waxaa dhagaha bulshada muslimiinta ah iyo guud ahaan dadwaynaha dunida ku soo noqnoqnayay ereybixinta "Dawlad Islaami ah" oo lagu kabay weedha caanka ah ee "Xalku waa shareecada". Inkasta oo aan ereybixintan iyo adeegsigeeduba ku cusbayn dhagaha bulshada, haddana waa yartahay cid sawiran karta muuqaalka ereybixntaasi ay waaqaca nololeed ku leedahay marka si dhab ah loo dhaqan geliyo, iyo sida ay xalka u noqon kartaba! Guud ahaan dadka weedhan ku soo celceliya, marka laga yimaado dhowrka wadaad ee ka dhigta jaranjarada ay awoodda ku soo fuulaan,…
Toban sano ayay Soomaaliya ka maqnayd saaxadda dunida oo aanay jirin dawlad rasmi ah oo caalamka ku matasha, muddadaasna waxaa dalka ka aloosnaa dagaallo iyo xaalado qarriban oo ka dhashay qaran-jabkii dalka ku dhacay 1991-kii. Waxaa muddadaas socday dedaallo lagu doonayo in dawladnimo lagu yagleelo, lana sameeyo dib u heshiisiin ummadda u dhaxaysa, nasiibdarrose badidood waa ay fashilmeen. Carta ayaa noqotay meesha uu ibafurku ka bilowday, waxaana xigtay Mbagathi. Shirarkaas dhacay waa ay yar yihiin dadka goobjoogga ahaa ee ka sameeyay qoraallo dhaxalgal ah, kuwaas oo fadhiyay miiska wada…
Eexaysiga Addoonnimada waa buug uu qoray Étienne de La Boétie, turjumaaddiisana uu sameeyey Cabdicasiis Guudcadde. Waa buug falsafadeed oo si qotodheer u baaraya xidhiidhka ka dhexeeya xorriyadda, awoodda iyo dabeecadda bulshada. Ma aha buug ku kooban dhaleecaynta kelitalisnimada ama soo bandhigista taariikhda hoggaamiyeyaal dulmi ku caan baxay, balse waa daraasad tilmaamaysa sababta bulsho xor ahi ay ugu hoggaansamaan dulmi iyaga oo tiro ahaan iyo awood ahaanba ka badan kuwa xukuma. Halkii uu indhaha ku jeedin lahaa qofka talada haya, qoraagu wuxuu eegayaa bulshada la xukumo, isaga oo ku…
Aqoonsiga Somaliland
Qoraallo furfuraya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland; taariikhdeeda, dooddeeda sharci, miisaankeeda diblumaasiyadeed, iyo isbeddellada gobolka iyo caalamka ee ku xeeran.
Faylkan
Arrimaha Soomaalida
Akhriso qoraallo cuddoon oo furfuraya dhacdooyinka mudnaanta leh ee markaas ka taagan dhulka Soomaalida.
Faylkan
Falastiin iyo Afrika
Halganka xornimadu waa waxa u weyn ee Afrika ku xidha qaddiyadda reer Falastiin; akhri qoraallo rogrogaya wejiyada mideeya Afrika iyo Falastiin.
Faylkan
Colaadda Suudaan
Suudaan waxa ay maraysaa colaad tusaale u ah qalalaasaha Qaaradda Afrika; halkan ka akhri qoraallo daahfaydaya waayaha dagaalka iyo dhacdooyinkiisa.
Faylkan
Hadal-jeedintan waxa lagu falanqaynayaa hannaanka dhaqaale ee Somaliland, sida uu suuqa xorta ahi u shaqeeyo, macaashka xad-dhaafka ah ee ka dhasha marka aanu jirin nidaam dawli ahi, iyo kaalinta ay dawladdu ku yeelan karto ilaalinta tartanka, xuquuqda macaamiisha iyo danta guud. Barnaamijkan waxa marti ku ahaa Axmed-Xiis Dharbaan, isaga oo kaga hadlay caqabadaha ka jira dhaqaalaha Somaliland, saamaynta ay suuqyada aan la nidaamin ku yeeshaan bulshada, iyo sida loo heli karo hannaan isu dheellitira xorriyadda ganacsiga iyo masuuliyadda dawladda. …
Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan saddexaad waxa lagu sii falanqaynayaa aragtiyaha ku duugan buuggiisa The Politics of Cain, gaar ahaan samaysankii haldoorka siyaasadeed, adeegsiga qabiilka iyo awoodda dawladda, iyo sababihii burburkii Jamhuuriyadda. Waxa kale oo lagu eegayaa kala duwanaanshihii habkii siyaasadeed ee Cigaal iyo Siyaad Barre, lumitaankii adkaysiga iyo isku-filnaanshaha bulshada Soomaalida, iyo doorkii Prof. Bulxan ka qaatay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo aasaaska…
Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan labaad waxa lagu falanqaynayaa aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa In-Between Three Civilizations iyo The Politics of Cain. Waxa kale oo lagu eegayaa doodihiisa ku saabsan asalka Soomaalida, wixii ay rumaysnaayeen ka hor diinta Islaamka, isdhexgalka xaddaaradaha, saamaynta gumaysiga, siyaasadda qabiilka, dawladdii gumaysiga laga dhaxlay iyo haldoorkii siyaasadeed ee dhaxlay dawladnimadaas. …
Wada-sheekaysigan cilmiyeed waxaannu ku martigelinnay Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana daadihinayey Khadar Maxamed Muxumed. Qaybtan koowaad waxa lagu eegayaa taariikh-nololeedka Prof. Bulxan, sooyaalkiisa waxbarasho iyo waxdhigis, aragtiyaha ku duugan buugaagtiisa iyo qoraalladiisa, iyo doorkii ballaadhnaa ee uu ka soo qaatay aqoonta, fikirka iyo bulshada Soomaalida. …
Hadaljeedintan, Cumar Xasan waxa uu ku gorfeeyay buugga Siyaasadda Dhagar-walaal: Boqol Sano oo Soomaalidu ku Jirtay Qalaalaso Siyaasadeed iyo Mid Bulsho. …
Hordhac Laba sano oo buuxa kaddib markii la daabacay buuggiisii “Knife” (2024), kaas oo uu qoray kaddib markii uu si mucjiso ah uga badbaaday isku daygii dil ee caanka noqday isagoo ku sugan magaalada New York sannadkii 2022, qoraaga Biritish-ka ah ee asal ahaan Hindiya ka soo jeeda, Salmaan Rushdi, ayaa mar kale ku soo noqday saaxadda qoraalka hal-abuurka ah. Dhawaan ayay ururintiisa cusub ee sheekooyinka gaagaaban, “The Eleventh Hour”, ku soo baxday tiro luqadood Yurub ah, oo ay ka mid yihiin Faransiis, Jarmal iyo Holandays. Rushdi ayaa ka soo muuqday warbaahinno Yurub ah oo dhowr ah si uu…
Waxa uu waraysigani qayb ka yahay wada-sheekaysiyo taxane ah oo daarranaa mas’alladda cunfiga oo lala yeeshay aragti-curiyayaal, faylasuufyo, iyo naqdiyeyaal. Waxa lagu waraystay muggan Gayatri Chakravorty Spivak oo bareefasar ka ah aqoonta aadanaha Jaamacadda Kolombiya. Waxa ka mid ah wax-soo-saarkeeda buugga, An Aesthetic Education in the Era of Globalization (2012). Brad Evans: Waxa aad badi wax-soo-saarkaaga kaga hadashay waayaha haysta looma'ooyaanka dunida, gaar ahaan kuwa ku nool Hindiya, Shiinaha, iyo Afrika. Sidee ayaynu falsafadda ugu adeegsan karnaa in ay kaalin ka geysato…
Diktoor Xasan Maki waa mufakir iyo akaadami Suudaani ah, oo dhiga diraasadaha Afrika. Waxa uu ka qaybqaadasho muuqata ku leeyahay gorfaynta arrimaha Suudaan iyo gobolka. Waxa uu heerka borofaysarnimada ee diraasadaha Afrika haystaa laga soo bilaabo labadii kun, waxaanu leeyahay buugag iyo cilmibaadhisyo uu ku lafaguray dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Suudaan, xaaladaha muslimiinta Eretariya iyo siyaasadaha dhaqan ee Soomaaliya, waxaana u dheer gorfayntiisa joogtada ah ee uu ku sameeyo awoodaha siyaasadeed ee Suudaan iyo gobolka Geeska Afrika. Fikirka Maki waxa uu ku arooraa akhrisyo sooyaal iyo…
Buugga cusub ee Axis of Empire: A History of Iran–US Relations, oo uu qoray Afshin Matin-Asgari, waxa uu daboolayaa laba qarni oo isdhexgal ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna bixinayaa macne muhiim ah oo lagu fahmi karo ololaha milatari ee hadda uu wado Trump. Matin-Asgari, oo ah borofisar taariikhda Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda California State University ee Los Angeles, wuxuu si dhow ula socday dhacdooyin badan oo uu buugga kaga warramayo. Wuxuu ku dhashay Iiraan, balse waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay Maraykanka, halkaas oo uu ka ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan…
Xuseen Sheekh Cali, oo ah Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, waxa uu Geeska uga warramay iskaashiga Xuutiyiinta iyo ururka al-Shabaab…