Madasha Geeska waa madal aqooneed oo isu xilsaartay la socodka isbeddellada siyaasadeed, bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha Soomaalida. Waxa lagu soo bandhigaa faaqidaad, baadhitaanno, aragtiyo iyo qoraallo kale oo la halmaala, kuwaas oo ku baxa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga. Madashu waxa kale oo ay si joogto ah u qabataa dood-cilmiyeedyo iyo muxaadarooyin dadweynaha u furan.
Madasha Geeska waxa la aasaasay horraantii 2023, dib-u-habayn ballaadhanna waxa lagu sameeyey Maarso 2024, markaas oo lagu soo kordhiyey qaybta Ingiriisiga.
Madashu waxa ay ku bilaabantay, ilaa haddana ku dhisan tahay, dadaal is-xilqaan ah oo lagaga jawaabayay baahida aynnu u qabno madal furan oo ka madax bannaan eex, reeraysi, gobolaysi, kooxaysi iyo cunsuriyad, una furan cid kasta oo ixtiraamaysa xaqiiqada sugan iyo maangalnimada.
Madashu waxa ay hiigsanaysaa in ay cod u noqoto bulshada iyo aqoonyahanka gobolka, hormuudna ka noqoto warbaahinta qoran ee Geeska Afrika.
Hagaha Qorayaasha
Madasha Geeska waxa ay soo dhawaysaa qoraallada aqoonyahanka iyo qalinleyda. Qoraallada aannu baahinno waxaannu ku xulannaa qotada aragtidooda, tayadooda farshaxaneed, heerka ay xaqiiqada sugan u soo dabbaalan yihiin, iyo sida hadba loo waafajiyo xeerarka anshaxa iyo maangalnimada ee qoraalka.
1. Shuruudaha Qoraallada
-
Qoraallada curiska ahi waa in ay noqdaan kuwo uu qoraagu leeyahay, lehna cinwaan ka tarjumaya nuxurkooda, isla markaana soo bandhigaya xog ama aragti cusub.
-
Qoraalku waa in uu ahaado mid cad, si wanaagsan u dhisan, higgaad ahaanna sax ah. Maqaalladu waa in ay yeeshaan hordhac, duluc iyo gunaanad, balse shuruuddan qaab-dhismeed ma khusayso sheekooyinka iyo qoraallada kale ee hal-abuurka ah.
-
Xigashooyinka iyo ilaha xogta waa in lagu dhex daraa qoraalka, iyadoo loo adeegsanayo xidhiidhiyayaal (hyperlinks).
-
Turjumaaduhu waa in ay noqdaan kuwo af ahaan hufan, si sax ahna u gudbiya macnaha qoraalka asalka ah. Qoraalka la turjumayo waa in uu waafaqsan yahay shuruudaha tayada iyo anshaxa. Haddii uu xuquuq daabacaadeed ku xidhan yahayna, waa in fasax laga haystaa cidda xuquuqda leh.
2. Anshaxa Qoraalka
Geeska waxa ka reebban faafinta:
-
Qoraallada boolida ah (aanu qoraagu lahayn), kuwa wata sheegashooyin been-abuur ah ama xigashooyin aan jirin.
-
Qoraallada hurinaya colaad ama nacayb ku salaysan qabiil, isir ama diin.
-
Qoraallada xambaarsan takoor ama quudhsi ku salaysan jinsi, hayb ama muuqaal jidheed.
3. Habka Soo Gudbinta
Haddaba, si rasmi ah ayuu qof kasta oo tilmaamahaas kor ku xusan isku ogi ugu martiqaadan yahay Madasha Geeska.
Qoraalkaaga ku diyaari Word ama Google Docs, kuna soo dir ciwaanka tifaftireyaasha qaybta Soomaaliga ee Somali.Editor@geeska.com , adigoo ku soo lifaaqaya:
-
Magacaaga rasmiga ah.
-
Sawir kur ah oo si fiican u muuqda.
-
Xog kooban oo ku saabsan aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada xirfadeed.