Sannadkii 1992, aqoonyahanka Mareykanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Jaban, Francis Fukuyama, wuxuu daabacay buuggiisa “The End of History and the Last Man”, Fukuyama oo xilligaas Afartan sano jirsaday, ma uusan filaneyn inuu buuggiisu abuurayo sawaxan weyn oo dabadheeraanaya, oo uu noqonayo mid doodiisu jiridoonto tobbonleydii sano ee soo socotay sabab la xiriirta aragtida uu kusoo bandhigay buuggiisa, taasoo udub-dhexaad u ahaeyd aragtida inuu bini’aadanku uu gaaray dhammaadka horumarka, isla markaasna aysan jirin-ba wax cusub oo la hiigsanayo kadib markii lagaaray figta sarre ee horumurka oo ah “dimuqraadiyadda liberaalka ah ee hantigoosiga ku dhisan”.
Waxaa xilligaas saameyn ku yeeshay Fukuyama hoobadkii Midiwga Soofiyeeti iyo kala furfurankii Xulufada Barigga, wuxuuna xusayaa in qormadii ugu horeysay ee dulucda buuggiisa ku saabsaneyd uu qoray 1989-kii, taasoo ay ku riixaysay isbeddelkii dhacay inuu u arko kalahaadka lama-filaanka ah ee Ruushka Shuuciga ahaa inuu ka dhiganyahay guusha hab-maamulka reer Galbeedka, waxayna sandulle ku noqonaysaa inay bulshooyinka kale raacaan, sida Fukuyama u arko, tani macnaheedu ma aha in loollanka iyo tartanka ummaduhu dhammaanayaan, balse waa inay loollanadaasi u talaabayaan heer cusub, taasoo ay dhammaanayso hirdanka u dhaxeeya aydhiyoolajiyadaha waaweyn ee dunida ku hardamaya, khilaafaadkuna wuxuu ka sii jiri doonaa gudaha nidaamka liberaalka ah, iyadoo loo qaateen noqonayso inuu ka dhex dhaco kala-aragti-duwanaanataasi.
Fukuyama wuxuu ilbaxnimada iyo horumarka bini’aadamka ku matalay inay la mid yihiin sidii kolonyo baabuur ah, oo hal bartilmaameed leh, taas oo ah dimiquraadiyadda reer Galbeedka, haddii mid ka mid ah kolonyadaasi uu hor gaaro bartilmaameedkaas, ay ka dhigantahay inay inta kalena ay soo gaaridoonaan ugu danbeynta halkii loo socday. Sidaas ayuu Fukuyama u kala qeybiyey ummadaha kuwo gaaray horumarkii la higsanayey ee 'Dhammaadka Taariikhda' iyo kuwo kale oo dibdhacsan oo aan gaarin Xaddaarada reer Galbeedka.
Khudbad uu jeediyey dhowr sanadood ka hor ayuu Fukuyama ku sheegay in lagu martiqaaday labbo munaasabadood oo ka kala dhacay Jaban iyo Papua New Guinea, isla markaana badka u dhaxeeya labada dal Jaban iyo horumarkeeda iyo labinta ay ka gaartay Casriyowga iyo Papua New Guinea oo la nool dib-u-dhac iyo qabyaaladda ayaa si hagaagsan u sharraxaysa wuxuu ula jeeday Aragtidda Kolonyada.
Dhab ahaantii, fikradda ‘Dhammaadka Taariikhdu’ ma aha mid ugub ah, oo fikrado la xidhiidha dhammaadka geeddi-socodka taariikhda waxa hore uga hadlay faylasuufyo ka tirsanaa Casrigii Iftiinka (Enlightenment) iyagoo ka hadlaya xilligii Sayniska, taasoo noqonaysa tan gabagabada aragtiyaha iyo falsafadaha, sidoo kale Hegel ayaa ku qaadaadhigay falsafadiisa. Karl Marxna, aragtidiisa maaddiga ah ee taariikhda, wuxuu shuuciyadda u arkay heerka ugu dambeeya ee horumarka taariikhiga ah. Fukuyama, ma uusan sheegan inuu isago daah-furay arrintan Dhammaadka Taariikhda, waayo waxaa tusaale ahaan horey uga hadlay Karl Marx si ay ka muuqato in aragtidiisu ay tahay oo kaliya muraayad ka tarjumaysa aragtida Shuuciyadda, taasoo qabtay in Hanti-wadaagu (socialism) uu yahay figta ugu sarreysa ee ay bini’aadamku gaaray.
Aragtida Fukuyama waxay wajahday sanadihii ugu danbeeyey caqabado xooggan kadib markii ay soo shaacbaxeen dhaq-dhaqaaqyo abaabulan oo diiddan natiijada ka dhalatay hanaanka uu reer Galbeedku ku dhisanyahay, taasoo u arkay –Fukuyama- hanaankii ugu mudnaa abid. Mareykanka, oo loo arki jiray hoyga Dimuqraadiyadda, waxaa kasoo mudh yiri shakhsiyadda Donald Trump oo ah hogaamiye u janjeera qoomiyiinta shacbawiga ah ee kasoo horjeeda qiyamka Liberaaliyada. Waxaana la dhihi karaa Trump, iyo xisbiyada dhaqdhaqaadyada garabka Middig ee uu taageero ee ka jira Yurub, ayaa ahaa kuwii qor-gooyey aragtida 'Dhamaadka Taariikhda'. Hase yeeshe, arrintani lama kowsan imaanshiyaha Trump, waxayse aragtida Fukuyama wajahaysay dhaleecen ba’an oo uga imaanaysan dhinacyo kala duwan tobbanleydii sano ee tagtay.
Tusaale ahaan, akhristayaasha ku noola dhanka Koonfureed ee qaaradda, waxay u arkeen buun-buunin iyo baaq isdhuldhig ah oo loo dirayo guumeestihii reer Galbeedka iyadoo loo qirayo sarrayntooda iyo mudnaantooda.
Dhanka kalena, waxaa tilmaamay is-diiddooyinka ku dhexjira aragtida Fukuyama ee 'Dhammaadka Taariikhda' faylasuufyo iyo aqoonyahanno kale. Waxayna qabeen, in aragtidiisa biyo-dhaceedu yahay faanka dadka isirka Caddaanka kasoo jeeda, kuwaasoo hindisay tusaalahaas –Dimuqraadiyadda Leberaalka ah-, kaasoo ah figta ugu sarreysa ee xaddaarada siduu qabo Fukuyama.
Isdiidada aragtidiisu waxay salka ku haysaa baaqa sinnaanta bulshooyinka iyo in la tirtiro kala-duwanaanta iyo khilaafaadka u dhaxeeya iyo in laga hadlo bulshooyin xor ah oo furfuran kala duwanna, iyada oo aysan waajib aheyn in qofka weydiin lagu soo cesho, ama loola dhaqmo iyadoo la eegayo asalkiisu meesha uu kasoo jeedo. Waxaanna lala barbardhigi karaa buugga uu qoray Samuel Huntington ee “The Clash of Civilizations” aragtiyaha kasoo horjeeda tan Fukuyama, marka loo eego Huntington aragti uu jidbixiyeenka u yahay ardaygiisu Fukuyama ee ah; “in ay Ummaduhu hayaan u yihiin dhankaas iyo Casriyowga iyo hanaanka dawladnimo ee reer Galbeedka”, waa mid dhabta ka fog.
Casriyowga, uu tilmaamayo Fukuyama waa: Labin reer Galbeed siduu u arko Hantington. Labintaasi; waxaa sees u ah dhaxal dhaqan iyo mid diinta reer Yurub ah, maadama ay jiraan Ummado leh qab kuna faanayaan dhaqankooda, waxaa hubanti ah, in aanay si fudud u raaci doonin kolanyadaas la-mala-awaalaayo. Waxa dhicidoona sida uu qabo Huntington maaha oo kaliya kala duwanaasho yar oo ku aadan Aragtida Liberaaliyada, balse, waa loollan xooggan oo u dhaxeeya Xaddaaradaha soo bandhigaya tusaale ka duwan tusaalaha reer Galbeedka. Xaddaaradaha kasoo horjeedana waxaa ugu horreeya tan Islaamka, taaso adagtahay in la muquuniyo, waxayna sii ahaan doontaa mid muujisa inay tahay tusaalle bar-bar-socda aragtida uu aamisnanayahay Fukuyama.
Sida aqoonyahan kasta oo kaalin gal ah, uma aysan fududeen Fukuyama –kaas oo magaciisu caan baxay buuggaagtiisuna ay heleen iib weyn – inuu qirto in aragtidiisu khaldaneed, islamarkaana in weli Taariikhdu ay inaga yaabsanayso oo aysan ba dhammaan.
Taas beddelkeeda, hadal-jeedinno iyo qormooyin danbe oo uu qoray wuxuu ku adkeysanayaa Fukuyama in dad badani si khaldan u fahmeen buuggiisa iyo doodda uu xanbaarsanyahay. Wuxuuna ina leeyahay aqoonyahanka hadda ku jira bilowga da’da toddobaatameeyada; sida uu uga hadlay buuggiisa ee ku saabsanaa “Liberaaliyadda” inuu yahay mashruuc kama-danbeysa ah, maxaa dhacay, waxay matalaysaa in lagaaray heerkii ugu sarreysay ee karaamaynta aadanaha, waanna yoolka iyo ujeedka ugu sarreeya ay la haayeen falaasifooyinkii iyo aqoonyahannadii casriyadii hore.
Sidoo kale, wuxuu ku xusay buuggiisa iyo aragtiyihiisa inay jiridoonaan dad kasoo horjeedaa nuxurka iyo biyo-dhacooda, iskaba daayee inay mucaaradaane, waxay diidayaan fikirada Sinnaanta Aadanah lafteeda. Sida uu qoraagu ku doodayo, waa wax caadi ah in la helo dad kasoo horjeeda fikrada inay dadku si simman oo sharfan u wada noolaadaan, lana dhammeeyo xasaradaha adduunka ka aloolsan, dadka intaas ka soo horjeedana; waa uun dad qeyb ka ah ama ka macaashaya dhibka jira.
Sidoo kale, waxaa caaddi ah ayuu qabaa -Fukuyama- inaanu goob-joogayaal ka noqono is hirdinta u dhaxaysa garabyada bidixda iyo midigta kuwaasoo ku dagaalamaya hanaanka xoriyada furan ku dhisan ee Liberaaliyada, taasoo maluhu ahaa inay dhamaantood ku wada noolaadaan si xor ah, dulqaadna leh, lagana fogaado in qof/koox la iska xukmiyo.
Dooddani waxay aheyd mid uu kusoo bandhigay Fukuyama dhiganihiisa cusub ee la daabacay toddobaadyo ka hor, kaas oo uu ugu wanqalay “In the Realm of the Last Man” wuxuuna cinwaan hoosaad uga dhigay “A Memoir (Xusuus-qor)” isagoo ujeedkiisu yahay inuu u caddeeye akhristaha inuu buuggu yahay mid ku kooban waayo-aragimadiisa iyo aragtiyihiisa shakhsiga ah in ka badan inta uu yahay cilmibaaris falsafadeed iyo aqooneed. In kasta oo qoraagu ka taariikheenaayo nolasha qoyskiisa iyo sooyaalkooda, iyagoo u haajiray Maraykanka bilowgii qarnigii labbaatanaad, wuxuuna si mug leh u qaadaadhigaya siday u qaabaysay socdaalkaasi hab-fikirkiisa, haddana cinwaanka dhiganihiisu wuxuu muujinaya sida uu Fukuyama weli ugu xusulduubanayo u qiilraadinta aragtida “Dhamaadka Taariikhda”, isagoo iska dhigaya faylasuuf xariif ah, iskuna dayaya inuu kaa dhaadhiciyo aragti iyo lidkeeda hal fadhi kaliya.
Akhristaha ayaa garwadeen ka noqonaya in aragtida Fukuyama ee dib-u-qeexidda “Dhamaadka Taariikhdu” ay tahay mid taabagal ah, hase yeeshe, dhibku wuxuu ku jiraa sida labbadaas aragtiyood ee lidka isku ah oo ay adagtahay in la is waafajiyo uu uga soo qaadayo inay yihiin labbo aragti oo is-dhameestiraya. Haddaba, waa inay noqotaa Liberaaliyada iyo sida ay reer Galbeedka ula muuqato hanaanka siyaasadeed iyo bulsho tan ugu sarreysa sallaanka fikiradaha bini’aadamka – sida uu ku doodayo aragtidiisa hore, ama inuu noqdaa hirdanku iyo halganku mid sii soconaya, isla markaan aragtida reer Galbeedku ay tahay uun marxalad lamarayo oo ka mid ah hayaan falsafadeed oo dheer, aragtida hadda shaqaynaysana ay tahay mid ka mid ah loollankaas nololeed ee dheer inta aysan dhaafin aragti kale oo cusub.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxaana soo turjumay Maxamed Siciid Mire.