“Siyaasadda Dibedda ee Somaliland iyo Xidhiidhka Diblumaasiyadeed: Isbarbardhig Taariikheed (1991–2024)” waa muxaadaro uu jeediyey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo khabiir ku ah maamulka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Muxaadaraddu waxa ay dib u eegaysaa isbeddelladii siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland muddadii u dhexaysay 1991 iyo 2024, laga soo bilaabo maamulkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur ilaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa lagu eegayaa sida maamulladii kala dambeeyey u waajaheen diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah, iyo duruufihii gudaha iyo kuwa gobolka ee saamaynta ku lahaa jihada siyaasadda dibedda Somaliland.
Waxa kale oo muxaadaraddu isbarbardhigaysaa hababkii iyo mudnaantii ay maamulladii kala dambeeyey ku maareeyeen xidhiidhada dibedda iyo dadaallada Somaliland ee ku wajahan beesha caalamka.