Buugga “The Prince” (Wabar) oo uu qoray faylasuuf iyo aragtiyahan Talyaani ah oo lagu magacaabo Niccolò Machiavelli, Waxana Soomaaliyeeyey Jacfar Suldaan Yuusuf. Dhiganahan waa mid ka mid ah qoraalladda ugu caansan uguna saamaynta badan taariikhda aadamaha gaar ahaan dhanka siyaasadda. Waxa uu ka hadlayaa arrimo si toos ah ugu xidhan dabeecadda awoodda, maamulka dawladda, hoggaaminta, dagaalka, istaraatajiyadda, siyaasadda, daacadnimada, khiyaanada, xidhiidhka ka dhexeeya hoggaamiyaha iyo shacabka iyo weliba xaaladaha kala duwan ee keeni kara in hoggaamiye awood ku helo ama ku waayo.
Muhiimadda buuggan ma aha oo kaliya in uu ka hadlayo boqor ama taliye gaar ah, balse waxa uu isku darayaa inuu sharaxo sida awoodda siyaasadeed u dhalato, u korto, loo xoojiyo iyo sida loo ilaashado marka ay soo baxaan caqabbado gudaha iyo dibadda ka aloosan. Sidaas darteed, Wabar waxa loo fahmi karaa in uu yahay mid koobsaday culuum badan sida taariikhda, falsafadda, siyaasadda, istaraatajiyadda iyo fahamka dabeecadda bini’aadamka.
Si loo fahmo fikirka Mikyaafiili, waxa muhiim ah in marka hore la isla fahmo duruufihii iyo xaalkii siyaasadeed ee Talyaanigu waagaas ku jirey.
Talyaanigu wakhtigaas ma ahayn dawlad mideysan oo leh dawlad dhexe oo xooggan, balse waxa uu ahaa mid ka kooban magaalooyin iyo dawlad-goboleedyo kala duwan oo ka dhex jiraan loollan, isbahaysi, ficiltan, dagaallo iyo faro-gelin quwado shisheeye.
Xaaladdan siyaasadeed waxay si weyn u saamaysay fikirka Mikyaafiili, waxaana qoraalkiisa laga dhadhansan karaa ama laga dheehan karaa; rabitaan ah in la helo hoggaan awood u leh in uu mideeyo bulshada, difaaco dhulka, isla markaana ka ilaaliya dawladnimada burbur iyo faro-gelin shisheeye.
Waxa ugu muhiimsan ee sidoo kale laga dhuuxi karo waxa ka mida kala duwanaanshaha u dhexeeya siyaasaddu sida ay tahay iyo sida la rabay in ay noqoto.
Mikyaafiili, waxa uu aad ugu fiirsaday siyaasadda sida ay u shaqayso; halkii uu ka bilaabi lahaa sawir ku saabsan hoggamiye quman ama bulshada kaamilka ah. Sidaas darteed, waxa uu inna hordhigayaa xaqiiqo ah in siyaasadda ay ku jiraan dano is-diidan, loollan awooddeed, cabsi, rabitaan, heshiisyo, khiyaano, dagaalo iyo isbeddel joogto ah. Hoggaamiyaha doonaya inuu ilaashado xukuumaddiisa, sida Nikolaay qabo waa in uu fahmaa xaqiiqooyinkaas oo aanu ku tiirsanaan oo kaliya niyad wanaagsan ama mabaadi’da akhlaaqda ee qof gaar ah.
Marka laga eego dhanka falsafadda siyaasadeed, su’aalaha ugu waaweyn ee Wabar xambaarsan yahay waxa ka mid ah: Sidee awood lagu helaa? Iyo Sidee loo ilaashadaa? Mikiyaafiilli waxa uu u arkaa helitaanka awooddu in uu yahay arrin gebi ahaanba ka duwan ilaalinteeda. Qof ayaa laga yaabaa in uu awood ku helo nasiib, dhaxal, cudud ciidan, taageero bulsho ama xeelad siyaasadeed, laakiin marka uu talada xukunkeeda qabto waxa horyaalla caqabado kala waaweyn ama sii kala adag. Waa in uu la tacaallaa kooxaha mucaaradka ah, kuwa doonaya in ay xilka ka qaadaan, kuwa la dhaygagsan xukunka, kuwa aan weli aqbalin ama weli u qudhqudhsamin xukunkiisu iyo ugu dambeyn quwadaha dibadeed ee danaynaya daciifnimada dawladdu yeelan doonto.
Ubacda ama dulucda ugu weyn ama ugu mudan ee dhiganuhu waxay ku wareegaysaa ama ku qotontaa fikradda ah in dawlad kasta ay leedahay xaalad siyaasadeed oo u gaar ah, sidaas darteedna aanay jirin hal hab oo dhammaan dawladaha lagu maamuli karo.
Mikyaafiili, waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa dawladihii hore u jirey, dawladaha cusub, dawladaha la isku daray iyo kuwa lagu helay siyaabo kala duwan, kala soociddani waxay muhiim u tahay fahamka siyaasadda, sababta oo ah hoggaamiye ku guulaystay in uu muddo dheer maamulo bulsho isaga oo adeegsanaya hab gaar ah ayaa laga yabaa in uu ku fashilmo marka uu isku dayo in uu maamulo deegaan cusub oo leh taariikh, dhaqan iyo dano siyaasadeed oo ka duwan gebi ahaanba kuwii uu hore u yaqaanay. Sidaa awgeed, waxa uu leeyahay waa in uu hoggaamiyuhu fahmo xaaladda dhabta ah ee meesha uu xukumo.
Waxa uu si gaar ah u muujinayaa in caqabadda ugu weyn ay tahay sida loo maareeyo xasuusta iyo rabitaanka dadka. Dadka ku nool dhul ka baxsan xayndaabka uu maamuli jirey ma aha dad aan lahayn taariikh iyo nidaam siyaasadeed oo isaga hortii jirin, waxay lahaayeen kooxo ay taageeraan iyo dano ay doonayaan in ay ilaashadaan. Hoggaamiyaha cusub haddii aanu fahmin arrimahaas, waxa si fudud u abuurmi kara mucaarad isaga kasoo horjeeda.
Tallaabooyinka shaydaanimada leh ee soo jeediyey waxa iyagna ka mid ah in haddii hoggaamiye qabsado deegaan ama gobol aanu hore uga soo talin dawladdiisu ay u furan tahay laba hab mid kood. Aynu ku horeyno ta Koowaad, in uu bulshada meeshaas degan gebi ahaanba laayo/cidhib tiro oo dhammaantood dilo, kadibna uu dib-u-deegaamayn ku sameeyo isaga oo soo dejinaya bulshadiisa. Waxana uu soo rarayaa bulshadiisa qaybo ka mid ah. Sidaasna waxay ku noqonaysaa deegaan uu maamulo kana baqayn in ay ka hoos baxdo. Tan Labaad; waa marxalad la odhan karo 50/50, oo laga wado in la laayo ama dilo kala badh deegaanka, waxa lasoo dejinayaa bulshooyinkii ku dhaqnaa deegaannadii uu hore uga talin jirey. Deegaankaas cusubna waxa uu sidaa ku noqonayaa qayb uu khasbo iyo qayb isaga taabacsan oo marka horeba waa uu u talin jirey, waana ay ku hoos noolaayeen xukunkiisa. Bulshada deegaankooda la qabsaday ee badhka laga soo reebayna way baqayaan oo waxay ku quus qaateen: isha cali ka laalaada! Badhka kalena waa qayb taabacsan oo la rabo in ay is-ballaadhiyaan dhul iyo hanti labadaba.
Arrinta ciidanka iyo awoodda milatari waxay ka mid yihiin meelaha ugu muhiimsan ee fikirka Nikolaay daarran yahay. Waxa uu aaminsan yahay in dawlad aan lahayn awood ay isku difaacdo ay si joogto ah ugu tiirsanaanayso in ay kaalmo weydiisato cid kale.
Hoggamiyaha ku tiirsan ciidamo shisheeye ama aan awood buuxda u lahayn in uu wax maamulo waxa uu lumin karaa madax-bannaanidiisa marka danaha cidda uu ku tiirsan yahay ka horyimaadaan danahiisa. Sidaa awgeed, Nikolaay waxa uu xoogga saarayaa muhiimadda ay leedahay in dawladdu yeelato awood gudeed oo ay isku ilaaliso. Mikiyaafiilli waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in hoggaamiyaha wanaagsan aanu sugin khatarta ilaa ay timaaddo, balse uu u diyaargaroobo dad hortii.
Hoggamiyuhu waa inuu ka fikiraa dagaal xitaa haddii dalku nabad yahay, waana in uu wax ka barto taariikhda, xeeladaha dagaalka, yaqaan awoodda iyo tabardarrada cadowga, isla markaana fahmo baaxadda dhuleed ee uu kataliyo. Waxana uu intaas raacinaya in haddii laba quwadood agtaada isu hirdinayaan inaanad dhex ka noqon, ee aad dhinac la safato. Waayo waxay taasi kaa waacinaysaa buu leeyahay; in aad noqoto quwad lagu xisaabtamo ama laga baqo, marka aad dhinac la safato. Waxana uu ceeb ku tilmaamay in laba dawladood/boqortooyo oo is-dagaashan in aad labadaba saaxiib la noqoto.
Mid ka mid ah aragtiyaha Mikiyaafiilli ee ugu layaabka badan ayaa ah Jacaylka iyo Cabsida. Waxa uu leeyahay hoggaamiyaha ay dadku jecel yihiin waa uu ka awood badan yahay hoggaamiyaha laga cabsado. Fikirkiisa waxa uu ku saleeyey in jacaylka siyaasadeed uu mararka qaarkood noqon karo mid isbeddela, halka cabsidu ay tahay dareen ka saamayn badan kolka ay noqoto ilaalinta xukunka.
Hase yeeshee, Mikiyaafiilli waxa uu kala saarayaa cabsida iyo neceybka. Waxaana uu leeyahay hoggaamiyaha had iyo jeer ku kaca ama ku dhaqma falal aan wacnayn oo dadka ku abuura neceyb in uu keeni karo xaalad kacdoon, aargoosi iyo burbur siyaasadeed. Xidhiidhka u dhexeeya hoggaamiyaha iyo shacabka ayaa uu ku tilmaamay tiir muhiim ah. Waxana uu ku sharxay in dawlad aan haysan taageero bulsho ay u nugushahay dhibaato. Hoggaamiyaha doonaya xasillooni waarta waa in uu fahmo waxa dadka ka farxiya, waxay neceb yihiin iyo waxa keeni kara in ay kala fogaadaan.
Mar kale, waxa uu ka hadlay nasiibka iyo kartida, waxana uu ku tilmaamay in ay yihiin qaybo ka mid ah nolosha siyaasadeed ee qofku sida buuxda aanu u maamuli karin. Nasiibku waxa uu keeni karaa fursad ama masiibo, laakiin qofka kartida leh waxa uu leeyahay awood uu kaga faa’idaysto fursadda ama uu ku yareeyo masiibada. Sidaa darteed, guushu ma aha nasiib oo qudhiya.
Waxay u baahan tahay u diyaar garow, ku-dhac, geesinimo iyo faham ku filan oo ku saabsan duruufaha taagan. Taariikhda waxa uu had iyo jeer Nikolaay, u adeegsanayaa sidii macalim siyaasadeed oo hadba dacal wax innaga tusinaya. Taariikhdu kama warranto oo kaliya dhacdooyin dhacay oo qudhiya, balse waxa ay dadka bartaa dhacdooyinkaas waxa sababay iyo sidii loolla-tacaalay. Taariikhdu wax bay sida dhalo/tiifii inoo daawad siisaa.
Hoggaamiyaashii Carro-eddeg soo maray waxay taariikhdu innaga siisaa; tusaallooyin wax laga barto, guulahooduna waxay inoo yihiin casharro, halka khaladaadkooduna ay inoo yihiin digniino
Marka laga tago dul-ka-xaadiska iyo rogrogga baalaha dhiganaha, waxa mudan in si gun-u-dhaadhaca loo akhriyo, loo fahmo, loo dhuuxo si loo garwaaqsado rukunnada uu ka duulayo buuggu. Buuggan sida la wariyo hoggaamiyaal uu ka mid yahay Adolf Hitler, ayaa uu saameeyey una noqday kaalin ay ka shidaal qaataan. Waxana la sheegaa in ay habeenkii barkimada hoosteeda gashan jireen. Buuggan marka laga yimaaddo dhaliilaha uu leeyahay, haddana mid si muuqda iyo si dedban labadaba dunida uga soo if-baxay madaxdii dunida soo maray qarniyadii 19aad ilaa 20aad.
Gebagebadii, Dhiganahan Wabar waa qoraal siyaasadeed oo ka gudbey xilligii iyo deegaankii lagu ibo-furey, sabab la xidhiidha su’aalaha uu ka hadlayo oo xilligii la joogo iyo meeshii la jooga labadaba la jaan qaadaya. Mikiyaafiilli, waxa uu inna tusayaa in awooddu aysan ahayn wax si fudud lagu helo ama lagu ilaashado, balse ay ku xidhan tahay fahamka dadka, taariikhda, ciidanka, dhaqaalaha, khilaafaadka, fursadaha iyo duruufaha isbeddelaya.
Waxa ugu weyn ee buugga laga baran karaana waa in hoggaamintu u baahan tahay faham dhab ah oo ku saabsan deegaanka siyaasadeed. Sidoo kale, buuggu waxa uu inna barayaa in awoodda milatari iyo madax-bannaanida dawladdu ay si dhow isugu xidhan yihiin. Yacni waxa uu uga jeedaa; haddii aanad lahayn cudud ciidan, in aad halis ugu jirto in lagu qabsado ama cidda ku ilaalinaysaa marka ay danteeda kaa dhex arki weydo in ay iska huleelayso. Cid kasta oo aad ka aaminsan tahay in ay bilaash kugu caawinayso ogow waxa jira han iyo himilo ay kaa leedahay, oo aanad dhaadanayn uun. Waana halkii uu Abwaan Suldaan Timacade ka yidhi:
Manfaco la cunin baa jira oo, mawdka kuu sido’e
Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda naatoode.
Macaluul wax kaagama taraan, maal laguu gura’e
Midigtaadu waxay xoogsatay baa, maydho gaajada’e.
Markay aanad lahayn looma lulu, maanka weligaaye
Magaabada hashaadaa ka roon, maydhanaan kale’e.
Ugu dambeyn, Wabar waa buug aan muhiimaddiisu ku koobnayn talooyin uu siinayo qofka hoggamiyaha ah oo kaliya. Qiimihiisa dhabta ahi waxa uu ku jiraa su’aalaha uu akhristaha ku khasbayo in uu isweydiiyo: Waa maxay awooddu? Sidee ayaa loo helaa? Maxaa ka dhigaya xukun mid waara? Maxaa sababa in hoggamiye awood badan uu burburo? Sidee ayaa loo ilaalin karaa dawlad iyada oo la burburin akhlaaqda bulshada? Sidaas darteed, haddii aan buuggan si laab-la-kac loo ammaanin, loo buunbuunin, dadka looga cabsi gelin, waa in loo arko aqoon isku dayaysa in si dhab ah loo fahmo dabeecadda awoodda siyaasadeed.
Qofka buuggan si cilmiyeed u akhriya waxa uu ka baran karaa sida dawladu u shaqayso, sida khilaafku u saameeyo hoggaanka iyo sababta ay taageerada bulshada, madax-bannanida iyo diyaar-garowgu muhiim ugu yahay dawlad kasta. Laakiin waxa jira dadyow u qaata in la yidhaahdo hebel waxa uu akhrinayaa buuggii Wabar iyo shaydaankii siyaasadda. Si uu uga helo taytal iyo muran uu kula doodo dadka markaas u arka buuggan in la akhriyo khalad iyo kasmo-nafeed dawakhsan. Hadal iyo dhammaan buuggu waa middi laba af-le, waa hadba halkii loolla jihaysto!